DOWLADDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALI & JAMHUURIYADDA TURKIGA AYAA KALA SAXIIXDAY HESHIIS KU SAABSAN ISKAASHIGA, ISWEYDAARSIGA SIRDOONKA MAALIYADDA KA-HORTAGA LACAG DHAQIDDA & LA-DAGAALANKA MAALGELINTA ARGAGIXISADA
- September 25 - October 16, 2024
- Ankara, Turkey
HORUDHAC
Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Turkiga (MASAK) iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham wada shaqeyn dhex mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal.
UJEEDADA HESHIISKA
Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkaynta xiriirka saaxibtinimo & wada shaqeynta labada dowladood ee walaalaha ah & in ay iska kaashadaan ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida & la-dagaalanka maalgalinta argagixisada Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT).
Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaashandoona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda & la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falanqeynta macluumaadka & xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal, sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsandoona khibradaha & waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda & la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka & qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.
Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka & xogaha iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka Maaliyadda & kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh Suspicious Transaction Reports (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hogaansamaayo sharciyada & xeerarka caalamiga ah.
Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (XWM) & Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Jamhuudriyadda Turkiga ayaa dhisi doona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal.
Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada & sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.
Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa goobjoog ka ahaayeen safiirka soomaaliya u fadhiya turkiga Ambassador Fathudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo. Aamina Max’ed Cali & Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK.