goAML waa barnaamij kombuyutar (online software) iskudhafan oo si gaar ah uu u nakh-shadeeyey Xafiiska Qaramada Midoobey ee La-dagaallanka Maandooriyeyaasha iyo Dembiyada ee UNODC waxaana uu ugu talogaley in ay adeegsato Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC). Warbixinnada ay soo gudbiyaan hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya waxaa ay gelayaan xog-keysan (database) oo ka dhexeeya waxaana uu noqonayaa mid ay soo geli karaan shaqaalaha ilaalinta u-hoggaansamidda sharciga iyo lafagurista ee Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC). goAML waxaa uu ka-shaqeeyaa uuna lafaguraa warbixinno aad u tiro badan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo ama dhaqdhaqaaqyo lacag kaash ah oo badan nooca ay doonaan ha ahaadeenne.

Warbixinnada waxaa ku jira dhammaan macluumaadka loogu baahan yahay lafagurista marka laga bilaabo macluumaadka macmiilka oo dhammeystiran ilaa faahfaahinta dhaqdhaqaaqyada ee waqtiyo kala duwan. Nidaamka waxaa sidoo kale si elektaroonik ah uu xog uga ururin karaa hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya iyo maamullada awoodda u leh iyo in la gaarsiiyo Hay’adaha Fulinta Sharciga iyo maamullada Awoodda u leh.

Warbixinnada Dhaqdhaqaaqyada Laga Shakiyey iyo Warbixinnada Dhaqdhaqaaqyada Lacagta Kaashka ah ee tiro badan ayaa hadda iyaga oo waraaq ku qoran ay heleysaa FRC. Gacan-ku-soo-gudbinta warbixinnada ayaa waxaa ay adkeyneysaa lafagurista iyo isugeynta xogta si looga helo sirdoon maaliyadeed oo macno ku fadhiya si loo gudbiyo. Marka la diyaariyo goAML, FRC ma oggolaan doonto warbixinnada waraaqaha ku qoran waxaana dhammaan hay’adaha warbixinnada soo gudbiya waajib ku ahaaneysa in ay warbixinnadooda ku soo gudbiyaan barnaamijka goAML.

Si aad u gasho nidaamka goAML, fadlan guji isku-xiran: (dhowaan ahaa la daahrogi doonaa!!!)

Booqo barta internet-ka ee koowaad ee FRC si aad uga hesho macluumaad kale iyo ku-xirayaal kale oo ay ku jiraan dokumentiyada ay isticmaalaan dadka adeegsanaya barta internet-ka.

Isdiiwaangeli si aad u isticmaasho goAML

Ka-hor inta aaney awoodin in ay warbixinnada Dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo (STR) iyo Dhaqdhaqaaqyada Lacagta Badan ee Kaashka ah (LCTR) soo gudbiyaan iyaga oo isticmaalaya internet-ka (online), hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya  waxaa ay soo magacaabayaan sarkaal madax ka noqonaya u-hoggaansamidda sharciga/chief compliance officer (CCO) si uu u noqdo qofka lagala soo xiriirayo arrimaha la halmaala xisaabta goAML. Sarkaalka u-hoggaansaidda sharciga (CCO) waa in uu hay’addiisa uu ku diiwaangeliyaa shabakadda intenet-ka ee FRC.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida la isu diiwaangeliyo, fadlan adeegso iskuxirahan goAML Web Registration Guide si aad uga hesho hagidda oo qoraal ah ama guji halkaan si aad uga hesho iskuxiraha hagidda fiidiyowga ah si aad u fiirsato fiidiyowga. Marba haddii isdiiwaangelinta la dhammeystiro, FRC waxaa ay hay’ad kasta oo warbixinnada soo gudbineysa u oggolaaneysaa in ay ka mid noqoto kuwa isticmaala goAML si ay warbixinnada STR iyo kuwa LCTR ay qaab elektaroonik ah ugu soo gudbiyaan xarunta FRC.

 

Sidee loo soo gudbiyaa warbixinnada iyada oo la isticmaalayo goAML

Eeg Hagaha Fudud ee Soo-gudbinta/Quick submission Guide oo ku siinaya tilmaamo tallaabo-tallaabo kuugu hagaya sida loo soo gudbiyo warbixinnada STR iyo LCTR. Waxaad sidoo kale fiirsan kartaa fiidiyow kuu muujinaya sida loo sameeyo isdiiwaangelinta / video to demonstrate the process.

Fadlan ogow in inkasta oo aad heleyso qoraal si otomaatik ah kuugu soo baxaya oo qiraya marka ay FRC aqbasho warbixinnada STR ama LCTR; haddana jawaab celin muddo ka dibba laga soo bixiyo sida ay xaaladdiisu tahay mid kasta oo ka mid ah warbixinnada STR ama LCTR ayaa joogsan doona. Haddii FRC ay u baahato in ay war soo gaarsiiso CCO/CO oo ku saabsan warbixin la soo gudbiyey, waxaa arrintaas loo adeegsan doonaa goobta farriin gudbnta amaanka ah ee goAML.

Haddii aad u baahan tahay in gacan lagaa siiyo goAML, fadlan Kooxdeenna U-hoggaansamidda Sharciga kala soo xiriir compliance@frc.gov.so

Haddii ay culeysyo kaala soo gudboonaadaan geeddi-socodka diiwaangelinta ama soo-gudbinta elektaroonigga ah ee STR ama LCTR, waxaad email u soo qori kartaa FRC adiga oo ku soo diraya compliance@frc.gov adiga oo sharxaya dhibaatada (dhibaatooyinka) gaarka ah waxaa markaa kula soo xiriiri doona xubin ka tirsan kooxda U-hoggaansamidda Sharciga ee FRC si uu u xalliyo arrinta. Arrimaha degdegga ah, waa in xiriir toos ah lala soo yeeshaa FRC iyada oo lagala soo xiriiriaya +252619122555

Problem retrieving data from Twitter

Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (FRC)