Natiijooyinka guddiga hawleedka dhaqaalaha (FATF) Fadhiyadiisii 22, 24 iyo 25 Febraayo 2021.

Paris, 25 Febraayo 2021 – Fadhigii labaad ee guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF) uu guddoomiye u ahaa Madaxweynaha Jarmalka ee Dr Marcus Pleyer wuxuu dhacay 22, 24 iyo 25 Febraayo.

Wufuudda mataleysa 205 xubnood ee Shabakadda Caalamiga ah iyo ururada kormeerayaasha oo ay ka mid ahaayeen IMF, Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, waxay ka shaqeeyeen jadwal buuxa oo lagu xoojinayo ilaalinta aminiga caalamka si loo ogaado loogana hortago loona carqaladeeyo socodka maaliyadda lagu hurin karo dambiyada argagixisada.  Sababo la xiriirta faafidda COVID-19, waxaa la qabtay kalfadhi guud oo fogaan arag ah markii saddexaad.  Maadaama masiibada socoto ay saameysay qoysas, adeegyada daryeelka caafimaadka bulshada iyo dhaqaalaha adduunka oo dhan.  Dambiilayaashu, waxay sii wadeen in ay ka faa’iideystaan dhibaatada dhaqaale.  Wufuuddu, waxay sii wadeen in ay ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa tirtirida dambiyada lacag dhaqidda oo ay ka mid yihiin kuwa lala xiriira faafida COVID-19.  Halka dalalku diiradda saarayaan ka soo ka bashada dhibaatadan, waxaa aad muhim u ah in si buuxda oo wax ku ool ah loo dhaqan geliyo halbeegyada guddi hawleedka dhaqaalaha guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF) loona qaato habka ku saleysan halista si loo yareyo lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

 

Inta uu socday wada hadalka wufuudu, waxay soo gebagebeeyeen shaqada dhowr aag oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin;

  • Hagidda caawinada dalalka si ay u qaadaan talaab wax ku ool ah oo ku saleysan kormeerka halista.
  • Hagida baaritaanka, maxkamadeynta maalgelinta argagixisada iyo howlaha ka ganacsiga sharci darrada ah ee tahriibinta hubka iyo maalgelinta argagixisada dabadeedna loo helo mas’uuliyiin awoodda u leh.
  • Wufuudu sidoo kale, waxay isla meel dhigeen in la badiyo la tashiga dadweynaha si loo taakuleeyo dalalka dibna loo qoro hagitaanka hay’adaha maaliyadeed iyo DNFBPs si loo aqoonsado qiimenta loona yareeyo halista maalgelinta hubka wax gumaada ee sii kordheysa, cusbooneysiinta hagidda ku saabsan halista hantida aan muuqan iyo adeeg bixiyeyaashooda.

Guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF), waxay sidoo kale shaqadooda ku hor-mariyeen arimaha muhiim ah oo ay ka mid yihiin in wax lagu keydiyo Kombutarka oo suurta gal ka dhigayo ficilka AML/CFT ee la-dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada wax ku ool ah mira-dhalna noqota.  Gaar ahaan, Guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF), waxay isku raaceen in la bilaabo shaqo cusub oo ku saabsan isbedelka keydinta kombutarka dhijitaalka ah hay’adaha dhaqan gelinta sharciga AML / CFT.