Su’aalaha Soo Noqnoqda

 

Waa maxay hawsha Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed / Financial Reporting Centre (FRC)?

FCR waa hay’adda qaran ee Soomaaliya u qaabilsan fududeynta soo-ogaanshaha, ka-hortagga iyo ka-niyad-jebinta lacag-dhaqidda iyo maaliyadsiinta/maalgashiga argagaxisada. FRC waxaa ay lafaguris iyo daraaseyn ku sameysaa macluumaadka ay ka hesho hay’adaha warbixinnada soo gudbiyo waxaana ay waxyaabaha looga shakiyo lacag-dhaqidda ama maaliyadsiinta/maalgashiga u gudbiyaan hay’adaha awoodda u leh sida uu oggol u oggolaanayo Xeerka. Lafagurista ay sameyso FCR waa agab muhiim u ah hay’adaha awoodda u leh waxaana uu isu-dheellitirayaa baahiyaha asturnaanta arrimaha dadka gaarka u ah iyo fulinta sharciga.

Waa maxay lacag-dhaqid?

Lacag-dhaqiddu waa geeddi-socod lacagta dad ku soo gashey fal-dembiyeed (lacag wasakh ah) oo loo rogo ‘lacag nadiif ah’ iyada oo fal-dembiyeedkii ay asal ahaan ka timid laga dhigayo mid ay adag tahay in la raad-guro. Dembiileyaasha ayaa sidan sameeya iyaga oo raadgadaya (qarinaya) halka ay ka soo gashey lacagta, iyada oo beddelaya nooca, ama lacagta u wareejinaya meel aaney u badneyn in ay soo jiidato dareenka dadka. Lacagta laga helo fal-dembiyeed waxaa ay asal ahaan ka imaan kartaa, laakiin kuma xaddidna, maandooriye iyo/ama ka-ganacsiga dadka, dhammaan noocyada musuqmaasuqa, lacagta been-abuurka ah iyo la-dhuumashada cashuurta. Lacag-dhaqiddu waxaa ay u badan tahay in ay marto saddex marxaladood.

  • Marxaladda “Meeleynta”: Lacagta laga heley hawlo fal-dembiyeed ayaa lagu soo biirinayaa nidaamka maaliyadda waxaana loo rogayaa agabyo maaliyadeed sida amarro lacageed ama jeegagga safarka, ama waxaa lagu shubi karaa xisaabo ku furan hay’ado maaliyadeed.
  • Marxaladda “Lakabeynta”: Maaliyadaha ayaa loo wareejinayaa xisaabo kale ama hay’ado maaliyadeed oo kale si lacagta looga fogeeyo fal-dembiyeedkii ay asal ahaan ka timid.
  • Marxaladda “Dhexgelinta”: Maaliyadaha ayaa dib loogu soo celinayaa nidaamyada maaliyadeed waxaana loo adeegsadaa in lagu iibsado hanti sharci ah ama waxaa lagu maalgeliyaa fal-dembiyeedyo kale ama gacansiyo sharci ah.

Haddii aad tahay hay’ad warbixin soo gudbineysa oo lagana shakiyo lacag-dhaqid iyada oo la wado hawl dhaqdhaqaaq maaliyadeed, waa in ay ogaataa FRC.

Waa maxay maalgashiga/maaliyadsiinta argagaxisada?

Maalgashiga/maaliyadsiinta argagaxisada waxaa ay la halmaali kartaa maaliyado laga soo ururiyey ilo sharci ah, sida deeqo shakhsi ah iyo faa’iidooyin laga helo ganacsi iyo hay’ado saddaqo, iyo sidoo kale ilo fal-dembiyeed, sida ka-ganacsiga maandooriyaha, tahriibinta hubka iyo alaabo kale, khayaanno, afduub iyo baad.

Ma bixin karaa macluumaad ku saabsan qof ama hay’ad aan u maleynayo in ay ku hawlan yihiin wax sharci darro ah?

FRC waxaa ay dadweynaha ka heli kartaa keliya macluumaad ku saabsan shakiyo la xiriira jiritaanka lacag-dhaqid ama shakiyo la xiriira hawl maalgashi/maaliyadsiin argagaxiso. Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan arrintan, ka eeg bogga lagu magacaabo “Nala-soo-xiriir”.

FRC ciqaabo maamul iyo ganaax ma ku soo rogi kartaa hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya?

Haa. La soo xiriir Kooxda Ilaalinta U-hoggaansamida Sharciga ee FRC.

FRC kormeerro ama baaritaanno kale ma ku sameyn kartaa hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya?

Haa. La soo xiriir Kooxda Ilaalinta U-hoggaansamida Sharciga ee FRC.

FRC ma xannibi kartaa lacago?

Haa. FRC waa hay’adda dhexe ee si degdeg ah oo aan lala daahin u xannibi karta maaliyadaha iyada oo raacaysa shuruucda u dhigan.

FRC ma xaqiijisaa in hay’ad warbixin aaney u hoggaansamin Xeerka AML/CFT?

Haa. La soo xiriir Kooxda Ilaalinta U-hoggaansamida Sharciga ee FRC.

FRC wax kharash ah dad ma ku soo dalacdaa?

Waqtigaan la joogo FRC adeegyada ay bixiso ma jiro wax kharash ah oo ay dad ku soo dalacayso. Sidoo kale, ma jiraan lacago lagu bixiyo in warbixin loo soo gudbiyo FRC. Haseyeeshee waxaa jira in hadda laga fekerayo in qaabab kala duwan oo la kala dooran karo oo maaliyad joogto ah lagu heli lahaa.

Yaa Soomaaliya ku matalaya wax ka qabashada arrimaha la xiriira lacag-dhaqidda iyo maaliyadsiinta argagaxisada?

FRC ayaa ah tan Soomaaliya u qaabilsan dhammaan shirarka heer qaran, gobol iyo kuwa caalamiga ah ee diiradda lagu saarayo lacag-dhaqidda iyo maaliyadsiinta/maalgashiga argagaxisada.

Maxay Soomaaliya ugu baahan tahay lahaanshaha shuruudaha AML/CFT?

Soomaaliya waxaa ay ansaxisey sharciga AML/CFT si ay u ogaato ayna dad uga niyad-jebiso hawlaha lacag-dhaqidda iyo maaliyadsiinta/maalgashiga argagaxisada. Shuruucda iyo xeer-nidaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa ay ku dhisan yihiin oo sal u ah jaangooyooyinka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee uu dejiyey Guddiga Farsamo ee Hawlgallada Maaliyadeed / Financial Action Task Force (FATF), oo ah hay’adda caalamiga ah ee dejisey jaangooyooyinka oo kula talisa in dhammaan dalalka ay ka fekeraan in ay daraaseeyaan hababka halista ku saleysan ee loola dagaallami karo hawlgallada sharci-darrada ah.

Soomaaliya xubin ma ka tahay Guddiga Farsamo ee Hawlgallada Maaliyadeed / Financial Action Task Force (FATF) ama mid xiriir la leh oo gobolka ka dhisan?

Haa. Soomaaliya waxaa ay ay bishii Juunyo 2018 ku biirtey Guddiga Farsamo ee Hawlgallada Maaliyadeed ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika / the Middle East and North Africa Financial Action Task Force (MENAFATF) oo ah laanta gobolkaa u qaabilsan FATF oo xarunteedu tahay magaalada Manama, dalka Baxreyn. Xubin-ka-noqoshada MENAFATF waxaa ay u baahan tahay in madaxda siyaasaddu ay ka go’naato, in si dad ku filan dembi looga dhigo lacag-dhaqidda iyo maaliyadsiinta/maalgashiga argagaxisada, in la sameeyo habraacyo dad ugu filan gacan-ku-soo-dhigidda hantida lala xiriiriyo lacag-dhaqidda, sameynta shuruuc dad ugu filan aqoonsashada, dabagalka iyo xanibaadda hantida aragagaxisada iyo ciqaabaha kale ee QM u dhigtey, hubinta in la dhisio unug u qaabilsan sirdoonka maaliyadeed oo si buuxda u shaqeeya oo si hufanna hawlihiisa uga soo baxa iyo xoojinta tallaabooyinka ka-hortagga ah, oo ay ka mid tahay lacagaha sida elektaroonigga ah loo kala wareejiyo/la isugu diro.

FRC maxay ku sameysaa warbixinnada iyo macluumaadka ay hesho?

FRC lafaguris ayaa ay ku sameysaa warbixinnada lacagaha la is-dhaafsadey iyada oo ay weheliyaan macluumaadka sida guud loo heli karo, macluumaadka sida khiyaariga ay ku bixiyeen hay’adaha hirgeliya sharciga, iyo macluumaad kale si ay u go’aansato in ay jiraan waxyaabo loo daliishan karo in loo maleeyo in macluumaad uu u habboon yahay in baaris lagu sameeyo ama la so oogo dacwad la xiriirta dembi lacag-dhaqid ama maaliyadsiin/maalgashi argagaxiso.

Marba haddii shuruudaha ugu yar la buuxiyo, FRC waxaa ay sirdoonka maaliyadeed siineysaa la-hawlgalayaasha oo ay ka mid yihiin maamullada awoodda u leh la-dagaallanka lacag-dhaqidda iyo maaliyadsiinta/maalgashiga argagaxisada.

FRC waxaa hawsheeda ka mid ah ayna hubineysaa in macluumaadka shakhsiga ah ee ay hesho laga ilaaliyo in cid aan oggolaansho u haysan shaaca looga qaado.