Cidda Aan Nahay

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed/Financial Reporting Center (FRC) waa Unugga Sirdoonka Maaliyadda / Financial Intelligence Unit (FIU) ee Soomaaliya, waana xarun heer qaran oo madax-bannaan oo khabiir ku ah lafagurista dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed oo laga shakiyo iyo baarista fal-dembiyeedyada maaliyadeed.

Himilada FRC

In ay noqoto hay’ad la aaminsan yahay oo haldoor ah oo kaabeysa nidaam maaliyadeed oo adag oo la dagaallama dembiyada maaliyadeed

Hawsha FRC

In ay gacan ka geysato dib-u-dhiska nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo dib-u-soo-celinta sumcaddii ay ku lahayd shabakadaha maaliyadeed ee caalamka

Qiyamka FRC

Inta ay ka shaqeynayaan himilada iyo hawsha FRC, waxaa dabeecadda iyo hab-dhaqanka maamulka iyo dhammaan shaqaalaha FRC mar walba hagi doona oo qaban doonana qiyamkan aasaasiga ah ee soo socda:

-Ilaalinta Sirta

FRC waxaa ay ilaalin doontaa macluumaadka ay is-dhaafsadaan FRC, Hay’adaha Warbixinnada Soo Gudbinaya, Maamullada Awoodda u leh iyo Unugyada Kale ee Sirdoonka Maaliyadeed (FIUs) iyada oo hubineysa in macluumaadka aan la siinin cid aaney ahayn in ay ogaato, oo ay ka mid yihiin shaqaalaha ay wada shaqeeyaan, saaxiibadooda, qoyskooda, iyo dad kale.

-Xirfadlenimo

FRC waxaa ay hubin doontaa in xubnaha ka tirsan shaqaalaheeda ay leeyiihin tayada, xirfadaha, kartida iyo hab-dhaqanka loogu baahan yahay in lagu dhaliyo natiijooyinka loo baahan yahay

 –Amaano

FRC waxaa ay hubin doontaa in ay ku sifowdo daacadimo iyo anshax-wanaaa

-Daahfurnaan iyo Isla-xisaabtan

FRC waxaa ay ku dhaqmi doontaa mabda’a ah in hawsha loo qabto si muuqata oo daahfuran iyo in uu qofku mas’uul ka ahaado go’aamada uu qaato ama tallaabooyinka uu qaado.

-Heer Sarreyn

FRC waa in ay mar walba bixisaa macluumaad tayo wanaagsan waana in ay hiigsataa in ay ka sare marto jaangooyooyinka caadiga ah marka ay ku guda jirto mucaamalaadkeeda.

Qoddobbada Guusha ee Muhiimka ah ee FRC

FRC waxaa ay ogsoon tahay in ay jiraan cunsurro muhiim ah oo ay waajib tahay in la xaqiijiyo si natiijooyinkii la rabey loogu guuleysto loona joogteeyo. Kuwaan waxaa ay yihiin cunsurrada muhiimka ah ee guusha/critical success factors (CSF), kuwaas oo is-beddeli karo muddo ka dibba. Sidaa daraaddeed waxaa loo baahan yahay in FRC ay si joogto ah ula socoto ayna wax-ka-beddelka loo baahan yahay ay sameyso si loo dejiyo istiraatiijiyado iyo bartilmaameedyo. FRC ayaa cunsurradan muhiimka ah ee soo socda u aqoonsatey in loogu baahan yahay in lagu guuleysto hirgelinta qorshaha ay waqtigan leedahay:

  • FRC oo yeelata hoggaan is-beddel sameyn kara oo ah indheer-garad, dhiirrigeliya dadka la shaqeeya, furfuran, isa sixi kara oo xaalada soo korodha la jaanqaadi kara, oo xoog saaraya xaqiijinta natiijooyinka loo baahan yahay;
  • FRC oo hubisa in ay istiraatiijiyadda si cad u fahmaan dhammaan kuwa ku lug leh hirgelinteeda;
  • FRC waxaa ay xoojin doontaa isuduwidda in Qorshaheeda Istiraatiijiga ah loo rogo qorshe-sanadeed iyo miisaaniyad sanadeed iyada oo loo marayo xafiiska Agaasimayaasha;
  • FRC oo qaab-dhismeedka hay’adeed waafajisa istiraatiijiyadda iyada oo loo marayo war-isgaarsiin taabogal ah oo ku saabsan hirgelinta istiraatiijiyadda oo dhex marta shaqaalaha
  • Maamulka FRC oo ballanqaada in hoggaamintiisu ay ku saleysnaan doonto ka-soo-bixidda waajibkeeda iyo dadaal muujin
  • FRC oo qaadata oo ceshatana shaqaale xirfad leh oo waayo-arag ah;
  • FRC oo maaliyad la isku halleyn karo oo ku filan u raadisa hawlaha ku xusan istiraatiijiyadda, iyo
  • FRC oo xiriirro wanaagsan iyo war-isgaarsiin taabogal ah la yeelata daneeyeyaasha muhiimka ah.

Problem retrieving data from Twitter