Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-Dhaqidda / The National Anti-Money Laundering Committee (NAMLC)

Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda waxaa lagu dhisey Qodobka 24aad ee Xeerka La-dagaallanka Lacag-Dhaqidda iyo Maalgashiga/Maaliyadsiinta Argagaxisada (AML/CFT) ee 2016.

Xubnaha Guddiga 
Xubnaha Guddiga NAMLC waxaa ay ka kooban yihiin:

  • Wasiirka Maaliyadda (Guddoomiyaha Guddiga)
  • Wasiirka Caddaaladda
  • Wasiirka Amniga Gudaha
  • Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  • Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka
  • Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya
  • Xeer-Ilaaliyaha Guud
  • Agaasimaha Xarunta Warbixinnada Maalyadeed (FRC) (oo ah Xoghaynta Guddiga)

Hawsha Guddiga 
Hawsha guddiga NAMLC waxaa ay salka ku haysaa Xeerka Ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgashiga/Maaliyadsiinta Argagaxisada ee soo baxay 2016 waxaana hadafka laga leeyahay uu yahay in ay kormeerto maamulka AML/CFT ee Soomaaliya. Gaar ahaan, hawlaheeda waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

  • In ay dejiso Istitraatiijiyadda Qaranka ee AML/CFT.
  • In arrimaha istratiijiga ah ee mudnaanta leh u dejiso Xarunta Waxbixinnada Maaliyadeed (FRC).
  • In ay ansaxiso miisaaniyadda Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed.
  • In ay bixiso maaliyado lagu dhisto kartida hay’adaha xubnaha ka ah guddiga NAMLC ay u leeyihiin in ay la dagaallamaan Lacag-Dhaqidda iyo Maalgashiga/Maaliyadsiinta Argagaxisada.
  • In ay abuurto fursad ay macluumaadka ku wadaagaan hay’adaha xubnaha ka ah guddiga NAMLC,
  • In ay kormeerto ayna sii wanaajiso taabogalnimada isuduwidda hay’adaha/hawlaha gudaha dalka ka socda, iyo
  • In ay magacowdo Agaasimaha Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed.

and those who fail to comply with the law will face consequences. The members and institutions involved in these matters should work together closely and avoid any actions that could create a gap between them. 3/3