Hawsha FRC

Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (FRC) waxaa abuurey oo uu hawsheedana ka soo dheeganaysaa Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgashiga Argagaxisada/Anti-Money Laundering and Countering the Financing Terrorism Act (AML/CFT) ee 2016dii iyada oo ujeeddada laga leeyahayna ay tahay in ay noqoto hay’adda dhexe oo  qaranka uga mas’uul ah helidda, lafagurista iyo u qaybinta/baahinta sida ugu habboon dhammaan macluumaadka la xiriira Lacag Dhaqidda iyo maalgashiga argagaxisada. Si gaar ah, hawlaheeda waxaa ka mid ah, laakiin kuma koobna, kuwaan soo socda: –

  1. Diiwaangelinta hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya.
  2. Soo-saarista xeer-nidaamiyeyaal iyo hagidda hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya si loo hubiyo in ay lahaadaan siyaasado iyo habraacyo taabogal ah si looga joojiyo in loo adeegsado fududeynta lacagaha la dhaqayo iyo maalgashiga argagaxisada;
  3. Abuurista iyo joogteynta nidaam amaan ah oo sirna ah si loo ilaaliyo macluumaadka la xiriira wax-is-dhaafsiga la halmaala lacag caddaan ah oo tiro badan iyo wax-is-dhaafsiga laga shakiyo ee laga helo hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya.
  4. Nakh-shadeynta iyo hirgelinta nidaamyada u-hoggaansamidda korjoogteynta iyo fulinta ee hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya ee aan lahayn maamul u qaabilsan kormeerka.
  5. Ku soo rogidda ciqaabo hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya ee aan u hoggaansamin waajibaadyada AML/CFT ee saaran.
  6. In ay ahaato hay’adda dhexe ee xannibta hantida ama maaliyadaha iyada oo aan lala daahin sida ay dhigayaan shuruucda u habboon.
  7. Sameynta korjoogteyn, cilmi-baaris iyo aqoonsashada sida ay u socdaan, noocyada, halisaha, iyo waxyaabaha ku soo kordha lacag-dhaqidda iyo maalgashiga argagaxisada.
  8. In macluumaadka laga soo ururiyey hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya ee la heli karo ay la wadaagto maamullada dembi-baarista iyo fududeynta maamulidda iyo dhaqangelinta shuruucda Soomaaliya.
  9. Is macluumaadka la xiriira waxqabadyada lacag-dhaqidda iyo dembiyada la xiriira ay isdhaafsadaan hay’adaha dhiggooda ah ee dalalka kale.
  10. In heshiis isfaham ah iyo heshiisyo kale ay la gasho hay’adaha dhiggooda ah ee meelo kale ka jira si ay u kaabaan ayna u sii wanaajiyaan taabogalnimada iyo hirgelinta maamulka AML/CFT ee heer qaran;
  11. In ay Soomaaliya ku matasho kulamada iyo shirarka iyo ururrada heer qaran, goboleed iyo caalamiga ah ee diiradda lagu saarayo dhaqidda lacagta iyo maalgashiga argagaxisada; iyo
  12. In ay baaritaan (hantidhowr) ku sameyso dokumentiyada hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya oo leh kormeer loo qoondeeyey iyo booqashooyin lagu tagayo goobaha shaqada ee hay’adaha warbixinnada soo gudbinaya ee aan lahayn hay’ad kormeer loo qoondeeyey.

Problem retrieving data from Twitter