Natiijooyijka Muhiimka ah ee Ka Soo Baxay kulamada
Natiijooyinka:
- NAMLC ayaa isku wada raacay in ay Wasaaradda Maaliyaddu hoggaamiso ayna soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dhammeystiran oo ku saabsan AML/CFT sida uu dhigayo Qodobka 52aad ee Xeerka AML/CFT ee soo baxay 2016. Xeerkan waxaa uu sheegayaa in “Wasiirka ka mas’uuulka ah arrimaha maaliyadda; waxaa uu isaga oo la tashanaya Xarunta Warbixinnada Maaliyaddeed (FRC), soo saarayaa xeer-hoosaadyada loogu baahan yahay ama waxtar u leh hirgelinta Xeerkan”.
Natiijooyinka:
- NAMLC waxaa uu qaatey xeerarka iyo habraacyada maamulka gudaha ee ay diyaarisey FRC. Hadda iyo wixii ka dambeeya, NAMLC waxaa uu shirar qabanayaa saddexdii bilood mar.
- NAMLC waxaa uu si rasmi ah u ansaxiyey soo-jeedin ah in la bilaabo Daraaseynta Halista ee heer Qaran/National Risk Assessment (NRA) ee AML/CFT isaga oo kaashanaya khubarro ka socda Bankiga Adduunka. NRA waxaa ay hawsheeda bilaabi doontaa bisha Juunyo 2019 waxaana muddada la qiyaasayo ay tahay 18 bilood. Natiijooyinka ka soo baxa NRA ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya gacan ka siin doona in ay si nidaamsan u fahamto noocyada iyo baaxadda dhibaatada Lacag-dhaqidda / Maalgashiga Argagaxisada ee ka dhaca Soomaaliya, taas oo gacan innaga siin doonta in ay diyaargarow ku habboon u sameyso Daraaseynta Qiimeynta Hay’adaha Iskufilka ah ee ay sameyneyso MENAFAT.
- NAMLC waxaa uu ansaxiyey qoraalkii fikirka ahaa (concept paper) ee ay diyarisey FRC oo ku taliyey in la sameeyo GUDDI FARSAMO oo AML/CFT ah, oo diiradda saaraya dhaqangelinta amarrada NAMLC iyo hawlaha iyo mas’uuliyadaha sharciga ah
Natiijooyinka:
- NAMLC waxaa uu ansaxiyey dhaqangelinta xeer-nidaamyada iyo dhabbe-tuseyaasha warbixinta ee AML/CFT ee loogu talogaley Hay’adaha Maaliyadda.
- Intaas waxaa dheer, NAMLC waxaa uu ansaxiyey bilaabashada warbixinnada ay soo gudbinayaan Hay’adaha Maaliyadda ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada shakiga leh iyo dhaq-dhaqaaqyada lacagaha shakiga leh (STRs) iyo dhaqdhaqaaqyada lacagaha badan ee kaashka ah (LCTRs) ee loo gudbiyo Xarunta Maaliyadda laga soo bilaaabo 1da Nofembar 2019.