Booqashada Shaqaalaha IMF, hormarinta qeybaha maaliyadda iyo dib-u-habaynta (CBS iyo XWM).
Bishii Abriil 07, 2021, Shaqaalaha IMF waxay ku booqdeen shir fogaan arag, hor-u-marka qeybaha Maaliyadda Soomaaliyeed iyo dib-u-habeyntooda oo ahaa habka fogaan araga (zoom).
Shirkaas, waxaa ka qeyb galay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (XWM) si ay u la wadaagaan IMFta hor-u-marka wax qabad ee la gaaray muddooyinkii ka dambeeyay is aragoodi midkaan ka horeeyay, iyada oo qayb ka ah tilmaamaha dib-u-habeynta ee hanashada in Soomaaliya laga nafiyo deynta.
CBS iyo XWM, waxay ku talaabsadeen hor-u-mar la taaban karo inta lagu guda jiray xiligii warbixinta, buuxiyeena dhammaan tilmaamihii dib-u-habeyntii lagu heshiiyey, iyadoo lagu jiro waqtiigii Covid 19ku halista ahaa iyo caqabadahii badnaa ee siyaasadda dalka.
Agaasimaha XWM Marwo Aamina Maxamed iyo maamulkeedu, waxay ku soo b andhigeen tiro waxqabad oo dib-u-habeyn ah oo ay ka mid tahay dhammaystirka Qiimeynta Halista Qaranka (NRA) Shir uu ka soo qeyb galay mudane Mahdi Guleid ku-xigeenka wasiirka koobaad iyo wakiilada sagaal wasiir oo ka mid ah daneeyayaasha XWM si loogu sii gogol xaaro isu diyaarinta Qiimaynta Wadajirka hay’adda FATF ee 2024.
Kulankii NAMLC ee la qabtay 24 Janaayo 2021 ee looga dooday in la mideeyo xeer iyo qoraal kale oo wasiirka maaliyadu wada saxiixay oo ku kala abtirsada CBS iyo XWM.
XWM, waxaa kale oo ay soo bandhigtay qorshaheeda balaarinta Barnaamijka Maareynta Xarumaha (FMS).
IMF, ugu dambeyntiina, waxay ugu sacab tuntay CBS iyo XWM howlahooda ay ku hor-marinayaan dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya kuna dhiirri gelisay XWM in ay sidaa u joogteyso shaqo wanaageeda.