Hagista lagu dalbanayo kormeerka ku salaysan u dhawaanshaha halista AML / CFT.
4 Maarso 2021 – kormeerayaashu, waxay kaalin muhiim ah ka qaateen ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, waxayna hubiyeen bangiyada, hay’adaha kale ee maaliyadeed iyo adeeg bixiyeyaasha ku howlan maaliyadda, xisaabiyeyaasha, dilaaliinta guryaha, ganacsatada biraha, dhagxaanta qaaliga ah iyo ganacsatada xirfadaha aan maaliyadda ahayn ee garan karta halista ganacsigooda soo food saari karta iyo sida loo yareyn karo.
Kormeerayaasha wax ku ool ah, wuxuu hubiyaan in ganacsigaani u hogaansan yahay waajibaadka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, isla markaana ka qaadaan tilaabada ku haboon, hadii ay ku guul daraysto.
Guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF), waxay ku dhiirri gelineysaa dalalka in ay ka gudbaan habka sanduuqa saxidda ee la socoshada dadaalada ganacsiyada kala duwan ee gaar si loo xakameynayo lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
Guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF), waxaa hagidisu ku-saleysan tahay habka kormeerka si ay uga kaaliso kormeerayaasha wax ka qabashada guud ee halista iyo in ay xooga saaraan wax ka qabashada ilaha halistoodu aad un sareyso. Habka ku saleysan halista ayaa ka culus culeyska qeybaha ama howlaha halistoodu hooseyso, taasina, waxay muhiim u tahay joogteynta ama kordhinta ka mid ahaanshada maaliyadeed. Ka gudbidda xeerarka kormeerka halista ku saleysan, waxay qaadataa waqti misane noqon karta mid dhib badan, waxayna u baahan tahay isbedel dhaqanka kormeerka. Kormeerayaashu, waxay u baahan yihiin in ay ka shaqeeyaan guud ahaan hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si ay u horumariyaan si qota dheerna u fahamaan halista hay’adaha hoos yimaad ka hor imaan kara, taane waa muhiim, maxaa yeelay hab shaqadeedka ganacsiyadu kala duwan yahay, wuxuuna kala wajahi karaa haliso nuucyadoodu kala duwan yihiin. Kormeerayaashu, waxay u baahan yihiin in ay yeeshaan awoodo ku filan, xirfad, agab dhaqaale iyo taageero siyaasadeed urur ahaan, waxayna u baahan yihiin in ay si isdaba joog ah u cusbooneysiiyaan fahamka halista, isla markaana ay la jaanqaadaan hagaajinta habka kormeerka.
Hagid, waxay ka kooban yahay sadex qaybood:
- Hagid sare oo ku saleysan kormeerka halista oo sharraxaysa sida kormeerayaashu ay u qiimeyn karaan halista waaxyada la kormeerayo, isla markaana mudnaanta u kala siinayaan howlahooda, iyagoo raacayo habka halista ku saleysan ee heerarka guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF).
- Xeeladaha wax looga qabanayo caqabadaha guud ee kormeerka halista ku saleysan iyo tusaalooyinka xukun oo ay ka mid ah xeeladaha lagu kormeerayo ganacsiyada aan dhaqaalaha ahayn, xirfadaha iyo adeeg bixiyeyaasha howlaha hantida aan muuqan.
- Tusaalooyinka dalka, laga bilaabo guud ahaan shabakadaha caalamka ee kormeerka qeybaha maaliyadda, adeeg bixiyeyaasha hantida aan muuqan iyo hay’adaha gaar, habka halista ku saleysan, wuxuu dadaalka kormeerayaasha ka dhigayaa mid lagu ogaado socodka maaliyadda loogana hortagi karo si wax ku ool ah hurinta dambiyada argagixisada. Arrintani waa mid muhiim ah, waayoo, waxaa lagu ogaanayaa loogana hortegayaa lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada intii la dacweyn lahaa dambigu markuu dhaco ka dib.
Hagitaankan, waxaa laga faaidooyin balaaran oo ay soo kordhisay shabakadda caalami ee guddiga holeedka maaliyadda (FATF) iyo xubno goboleedkeeda oo gaaraya cadad ahaan 205 maamul, talo wadaagyo aan toos ahayn, wakiilada hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo daneeyayaasha ka mid noqoshada maaliyadeed.