Hay’adda guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF) habka’ ee ay ku qiimeyso talooyinkeeda u hoggaansanaanta iyo wax ku oolka nidaamyada AML / CFT.
Sida loo beddelay Nofembirtii 2020.
Guddi hawleedka dhaqaalaha, wuxuu sameysay qiimeyn wadaag ah oo ku saabsan heerarka xubnaheeda, joogteynta iyo heerka dhaqan gelinta talooyinkeeda oo ah dib u eegista asaaga oo ah marka, xubno ka socda dalal kala duwan ay qiimeenayaan dal kale. H’ayadda guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF) sida ay u qiimeeyso talooyinka u hoggaansanaanta iyo wax ku oolnimada AML / CFT, habka qiimeynta, waxaa diirada lagu saara laba aag oo kala ah wax ku oolka iyo u hogaansanaanta farsamo.
- Muhiimadda qiimayn kasta waa wax ku oolnimada dalka waana in ay muujisaa macnaha guud ee halista uu ku sugan yahay iyo in uu leeyahay qaab-dhismeed wax ku ool ah oo looga ilaaliyo xadgudubka nidaamka maaliyadeed. Kooxda qiimeynta waxay eegi doonaan 11 aag oo muhiim ah ama natiijooyinka deg deg ah ee lagu ogaado heerka wax ku oolnimada dadaalada dalka.
- Si la m id ah qiimeynta, waxaa kale oo lagu eegaa sida dalku u buuxiyay mid kasta dhammaan shuruudaha farsamo ee guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF) 40 talo ee sharciyadiisa, xeerarkiisa iyo aaladaha kale sharci ee looga hortago lacag dhaqidda, maalgelinta argagixisada iyo faafinta hubka wax gumaada. Qiimeynta warbixinta wadaagu, waxay sharaxaad gorfeysaana si qoto dheerna uga bixisaa nidaamka dalku uga hortagayo xadgudubka dambiyada habka maaliyadeed iyo talooyinka diirada lagu saarayo dalka si loo sii xoojiyo nidaamkiisa.
Habkan, waxaa isticmaali doona guddi hawleedka dhaqaalaha (FATF), qaab dhismeedkooda gobolada (FSRBs) iyo hay’ado kale oo qiimeynta sameeya sida IMF iyo World Bank.