Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo Qabatay Kiisas La Xariira Socdaallo Sharci Darro ah

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in hay’addu ay gacanta ku dhigtay kooxo isku xiran oo ka shaqeyn jiray Arrimo la xiriira socdaalka sharci darrada ah.

Agaasimaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlayay shirweynaha wadatashiga qiimeynta khataraha lacag dhaqidda oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

Mudane Koofi ayaa sheegay in sanadkii tegay ee 2020 ay diiwaan-geliyeen 479 kiis oo la xariira socdaal sharci darro ah oo la doonayay in si qarsoodi ah dad dalka looga dhoofiyo.

Waxa uu masuulkan tilmaamay in hay’adda uu madaxda ka yahay ay ku guuleysatay ka hortagidda arrimaahas.

Sandkii 2019-kii ayuu masuulku sheegay in hay’addu ay qabatay 249 kiis  oo socdaallo sharci darro ah.

Koofi ayaa cadeeyey in ay hay’adaha amniga loo gudbiyay dadkii loo qabtay kiisaskaas, kuwaasi oo uu xusay in xukuno sharciga waafaqsan lagu riday.

Agaasime ayaa carrabka ku dhuftay inay jiraan dad u badan Soomaali oo ka shaqeyn jiray socdaalka sharci darrada ah, kuwaasi oo laga soo qabtay dalka dibaddiisa, ayna dowladda la kaashatay hay’addo caalami ah.