Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Raisul Wasaaraha ayaa kasoo qayb galay kulanka Guddiga Qaran ee ka hortaga Lacag-dhaqidda iyo La- Degaalanka Maalgelinta Argagaxisada (NAMLC).
Muqdisho, Luuliyo 29, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Hamze Cabdi Barre Raisul Wasaaraha JFS ayaa kasoo qayb galay kulanka maanta ay yeesheen Guddiga Qaran ee ka hortaga Lacag-dhaqidda iyo La- Degaalanka Maalgelinta Argagaxisada (NAMLC).
Kulanka ayaa waxaa looga arinsaday arimaha qiimaynta (Mutual Evaluation) lagu samaynaayo Soomaaliya.
Guddigan Qaran ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha qiimaynta iyo ahmiyada u diyaar garowga howlaha qiimaynta.
Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii khawaarijtu ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta arxanlaaweyaashan ku naaxay dhiigga dadkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.
FRC ayaa qaadatay software-ka goAML sanadkii 2021. Software-kan waxaa soo saaray xafiiska hayádda qaramada midoobay ee daroogada iyo dembiyada (UNODC) si loola dagaalamo lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.