Mareykanka oo ka walaacsan ururinta dhaqaalaha Al-shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay kororka uruurinta maalgelinta sharci darrada ah ee koox argagixisada Soomaaliya oo xiriir la leh Al-Qaacida “Al-Shabaab”.
Wakiilka Joogtada ah Qaramada Midoobay ee Mareykanka, Danjire Kelly Craft ayaa u sheegtay Golaha Amniga UN-ka maalintii Isniinta in Shabaab ay weli wado habab sharci daro ah oo lacag ugu uruuriso howlaheeda.
Mareykanku waa qabayaa walaaca khuseeya awooda Al-Shabaab ay ku urursan karto dhaqaale badan oo ay ku maageliso howlaheeda, iyada oo loo marayo howlo sharci darro ah,” ayay tiri Danjire Craft.
Danjiradu, waxay shaaca ka qaaday in Islaamiyiinta mayalka adag ay weli gacanta ku haya qaybo ka mid ah qaranka dhibaateysan ee Geeska Afrika, waxay dhaliyaan dakhli canshuuro oo sharci-darro ah iyo baadda hay’adaha.
Al-Shabaab saldhiga canshuur qaadkeedii dakhli aan rasmiga aheyn, wuxuu ku sii fidayaa wax is daba marinta hay’adaha rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn. Xogaha qaar, waxay sheegayaan in Shabaab sanadkiiba u xarooto lacag ka badan 50 milyan oo Sh.so, iygoo adeegsanaya u maraya qaab sharci darro ah”, ayay tiri.
Dowladda Mareykanku, waxay ku amaanaysaa dadaallada dowladda Soomaaliya ay uga hortageyso in Shabaab hesho dhaqaalihii ay heli jireen. “Bogaadina ugu jeedinaysaa horumarka ballaaran ay Soomaaliya ka sameysay xakamaynta dhaqaalaha argagixisada kuna dhiirrigeli in ay sii wadaan, la shaqeeyaan guddiga khubarada 751ka iyo la-hawl galayaasheeda caalmka. Ayay tiri Danjire Craft.
Misane xustay in isku dhaca siyaasadeed iyo argagixisanimadu ay ku yihiin caqabadaha ugu weyn ee geedi socodka deganaashaha muddada fog iyo horumarka dalka soomaaqliya.
Dowladda Mareykanka, waxa ka go’an in ay taageerto dadaalada ay garwadeenka ka yihiin Afrikaanku ee wax looga qabanayo halista aan soomaali oo kali ah saameyn ku yeelan doonin, balse looga baqayo in ay ku faafto gobolka oo dhan” ayay tiri.
Dowladda Mareykanku, waxay cambaareyneysaa weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed oo aan hubeysneyn, saraakiisha dowladda iyo shaqaalaha hay’adaha samafalka.
Si kal iyo laab ah ugu tacsiydeynaynaa qoysaska dadkoodu ku naf waayey weerarkii ka dhacay Muqdisho 17-kii Noofembar,” ayey tiri Danjire Craft.