Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa yiri hoos ayan u dhignay maalgelinta Shabaab iyo Isis
![](https://frc.gov.so/so/wp-content/uploads/2021/02/NRA-DPM-1024x575.jpg)
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa sheegay in dowladdu ay horumar ka sameyneyso joojinta lacagaha oo ka imanaya dalal kale. Isagoo ka hadlaysay shirkii wadatashiga ee halista lacag dhaidda iyo maalgelinta argagixisada ayuu sheegay in lacagaha uga imam jiray dalka dibadiisa in loo adeegsan jiray falalka argagixiso.
Amniga iyo dhaqaalahuba xiriir, waxay la leeyihiin lacag dhaqid. Lacagaha nuucaas ah, waxaa lagu maalgeliyaa argagixisada dagaalka kula jirta dowladda, ayuu yiri Guuleed.
Hadalka DPMs ayaa imanaya, iyadoo Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan uu sheegay in hay’adaha ka howl gala dalka ay lacagahooda soo mariyaan ama dhigtaan bangiyada dalka.
“Hay’adaha ka shaqeeya dalka waa in lagula xisaabtamaa lacagaha ay dalka ku soo geliyeen qaab xawaalad ee hore si waafaqsan heshisyadeeni hore siina xoojinaa fulinta heshiisyada, ayuu yiri.
Wasiirku, wuxuu sidoo kale sheegay in balaayiin doolar ay sanad walba dalka soo galaan, loona baahan yahay in isha lagu hayo ama lala socdo.
In ka badan laba bilyan oo Dollar ayaa soo gala dalka sannad kasta waana muhiim in lala socdo sida loo maamulay iyo hannaanka loo farsameeyay si mariyo bangiyada dalka,” ayuu sii raaciyay.