Xarunta warbixinada Maaliyadeed ee Soomaaliya waxay soo gabagabeysay tababaradii ugu horeeyey ee ay siiso hay’adaha maaliyadeed oo ku saabsan goAML

Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) ayaa soo gabagabeysay tababarkii ugu horeeyey ee goAML software kaasoo la siiyey Bangiyada iyo Xawaaladaha ganacsiga bilihii Sep. iyo Okt 2022. Ujeedada tababarka ayaa ahayd in la baro habab muhiim ah oo ka mid ah goAML software madaxda waaxyaha hogaansanaan sharciyada iyo waaxyaha IT-ga ee Hay’adaha warbixinada soo dira. Si kastaba ha ahaatee software-kan wuxuu u ogaalanayaa hay’adaha warbixinada soo dira in ay warbixinada kala duwan u soo gudbiyaan qaad elektaroonik ah.
Tababarkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee la siiyo Hay’adaha warbixinada soo dira. Mowduucayada laga hadlay waxaa ka mid ahaa: Fahmida guud ee Software-ka (Diiwaan-gelinta isticmaalaha iyo nidaamka loo maamulo) hababka warbixinada loo soo diro iyo xalka ciladaha software-ka.
Munaasabadii xiritaanka tababarka, Agaasimaha FRC Amina Mohamed ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimada Software-kan u leeyahay nidaamka ka hortaga lacag dhaqida iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada (AML/CFT) ee dalka iyo sidoo kale buuxinta waajibaadka caalamiga ah ee Soomaaliya ku xoojinayso dadaalada dalka ee wax looga qabanayo dembiyada dhaqaalaha. Agaasimaha waxaa kale oo ay iftiimisay in hay’adaha warbixinada soo dira ay si elektaroonik ugu soo diri doonaan warbixinada iyada oo la isticmaalayo software-ka goAML, kaasoo ka dhigi doona warbixinta ‘Mid wartar leh’. Agaasimaha waxay ballan qaaday in FRC ay bixin doonto taageerida farsamo ee looga baahan yahay hay’adaha warbixinada soo dira ka hor inta aan la daah-furin software-ka goAML.
FRC ayaa qaadatay software-ka goAML sanadkii 2021. Software-kan waxaa soo saaray xafiiska hayádda qaramada midoobay ee daroogada iyo dembiyada (UNODC) si loola dagaalamo lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.