Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ee Soomaaliya (FIU) waxay heshiis is afgarad (MOU) la gashay dhigeeda (FIU) Isutagga Imaaraadka Carabta.

20kii Bisha May 2021, Agaasimayaasha (FIU) Soomaaliya iyo (FIU) UAE, waxay qabteen xaflad ay ku kala saxiixanayeen heshiis Isfaham (MoU) oo u dhaxeeyay Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ee Soomaaliya (FIU) iyo (FIU) Isutagga Imaaraatka Carabta. Xafladaas oo lagu qabtay habka Fogaan arag ah, Isafgardkaasi, wuxuu muhiim u yahay labada hay’adood xoojinta iskaashiga iyo wada shqeyntooda, maadaama labada dalka ay leeyihiin howlo ganacsi oo ballaaran.

Is-fahamkaan, wuxuu ifinayaa doorka (FIU) Soomaaliya iyo (FIU) UAE uga abaaran hubinta iyo ilaalinta nidaamyada maaliyadeed ee qaranka iyo xoojinta la-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML / CFT) iyada oo loo sii marayo iskaashi xog wadaagista.  Arrintaas, waxay hoosta ka xarriiqaysaa mid ka mid ah muhimadda labada dal ganac ka siiyaan dhigooda caalamka la dagaallanka AML/CFT.

Is-fahamkaani, wuxuu siinaynaa labada dal fursad ay isku dhaafsadan waaya-aragnimo isagana taageeraan tababaro gaar ah iyo dhiirrigelinta heerarka caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta nidaamyada maaliyadeed ee daah-furnaanta iyo helitaanka macluumaadka.  Xafladda heshiiska Is-afgaradka dabadi labada dal, waxay si qotadheer oo faahfaahsan uga wada hadli doonaan arrimaha AML / CFT.