Xeer-ilaaliyeyaashu, waxay lamaane u noqonayaan xafiiska xwm si ay uga kaaliyaan dambiyada culus ee maaliyadeed.

Abriil 10, 2021, wakiilo ka socda xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo booqday xafiiska XWM, markii ay yimaadeena, waxaa si dhaqsi leh ay u kormeereen si ay u fahmaan qaab dhismeedka waaxyada XWM iyo shaqooyinka mid kasta u gaarka ah.  Xubnaha booqashada ku yimid iyo madaxda sare ee xwm, waxay wada fadhiisteen qolka kulamada ee xarunta oo ay ka bilaabatay howshii maalintaas.

Agaasimaha XWM Marwo Aamina, ayaa si diiran u soo dhaweysay xubnaha wakiilada xafiiska xeer ilaaliyaha guud, waxayna u sharaxday ujeedada kulanka qadada shaqo, waxayna tilmaantay howlaha baaxadda leh ee horyaala oo ay ka mid yihiin qiimeynta wadajirka qorshaha MENA FATF ee 2024 iyo in tahay muhiim dhameystirka Qiimeynta Halista Qaranka (NRA) iyo XWM dhacdooyinkeeda kale ee waaweyn.

Isu-duwaha Qiimeynta Halista Qaranka Mudane Godane ayaa hadalka qaatay, wuxuuna si kooban oo tiraab uga warbixiyay muhimada iyo saamaynta dalka ku leedahay Qiimeynta Halista Qaranku, hadii aan si dhab ah u qaadan, wuxuuna hoga tusaaleyn ka bixiyay dhibaatooyinkii ay xwm kala kualantay inta lagu guda jiray uruurinta xog sugan ee warbixinta iyo u gudubka wajigeeda kale oo sababay dib u dhac iyo dhibaatooyin kala duwan oo ka dhex jira hay’adaha daneeya Qiimeynta Halista Qaran iyo sida ay u shaqeyso xwm si loo gaaro himilo wadareedka la higsanayo.

Kana mid yihiin ururinta tayada warbixinnada wax isdhaafigooda laga shakiyo (STR), baahinta kiisaska si loo kordhiyo cadadka eedeynta dacwadaha, dadaallada wada jirka ah u dhexeeya Xeer ilaalinta iyo xwm ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee lagula dagaallamayo ML/TF-ka Soomaaliya iyo jidka horay loogu sii diyaarinayo MER soo socda.

Khabiirka leylinta bangiyada M.ne Guleid, oo taageeraya Isu-duwaha Qiimeynta Halista Qaran, wuxuu qirey in dhibaatooyin badan la gala kulmay uruurinta xogo maan gal ah, Xaraunta Warbixinta Maaliyaduna ku guuleysatay dadaal dheer ka dib.  Mudanahaasi, wuxuu warbixin kooban oo ku saabsan arrimaha u hogaansanaanta, baaritaanka, iyo muhiimada ay leedahay in si taxadar u wada shaqeeyan XWM iyo hay’adaha kale oo ay shaqo wadaag ku yihiin sharciga la dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada AML/CFT.

Lataliyaha Sharciga ee xeer ilaaliayaha guud M.ne. Hamza, wuxuu isaguna farta ku goday jiritaan hanjabaadda joogtada ah ee dambiyada dhaqaale oo dalku fooda u saran yahay, misane ay san weli ka jirin baahi dacwad oogid badan oo si waqtiga buuxa xeer ilaalintu uga taageerto xafiiska Xarunta Warbixinta Maaliyada.

Carabka, wuxuu ku adkeeyay in la hirgeliyo barnaamijka meeleynta dacwad ooge waqti dhiman, bacdamaa ay aad u sareyso howsha ka socota xafiiska xeer ilaaliyaha guud.  Xarunta warbixinta maaliyadda, waxay qaadatay hanaan sharci fulin hoggaamineed, arrintaasna, waxaa lagu hanan karaa in la dhiso awoodda aqoonta shaqaalaha muddo gaaban lagu leyliyo howlaha sharci fulinta.

Wakiilka xeer ilaaliyaha guud, wuxuu muujiyay in uu danayo wada shaqeynta xafiiskiisa iyo xarunta warbixinta maaliyadda ogolaadayna in labo dacwad ooge dulsaar ku noqdaan xafiiska xarunta warbixinta maliyadda intii ay ka soo kordhayaan baahidda oogista dacwooyinka, dacwad oogayaashasna qeybna uga noqdaan tababbarada muddada gaaban ee uu bixinayo khabiirka M.ne Henry Matson ee ka socda waaxda garsoorka Mareykanka tababarada dheeriga ah uu ku siinayo xafiiska xarunta warbixinta maaliyadda dhammaan hay’adaha sharci fulinta Soomaaliya.

Kuxigeenka xeer ilaalihaya guud M.ne Yahya: wuxuu sheegay in uu horay u soo galay dacwooyin la xiriira dambiyada maaliyadda, wuxuuna farta ku goday in fulinta sharciga ay u baahan tahay wacyi gelin dheeri ah iyo xirfado sharci fulin madaama garsoorayaasha qaarkood ay san xitaa aqoon magaca hay’adda xarunta warbixinta maaliyadda.

Wakiilada xeer ilaalintu, waxay balan qaadeen in ay imaan doonaan xafiiska xwm sedex maalmood usbuuciiba ujeedada oo ah tababar iyo baaritaan labadaba, xarunta warbixinta maaliyadu, waxay u gudbin doontaan xafiiska xeer ilaalinta cinwaanada loa doortay iyo jadwalka tababarada.  Wakiilada xeer ilaalintu, waxay kaloo xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay in ay kala shaqeeyaan xarunta yoolalka higsanayso kobcin doonaana xiriirka wada shaqeynta.