FRC oo ka-qaybgashey shir caalami ah

Shirkii 24aad ee loo dhammaa ee Guddiga Farsamada ee Tallaabo-qaadka Maaaliyadeed ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika / Middle East and North Africa Financial Action Task Force (MENAFATF) ee la dagaallanka lacag-dhaqidda iyo maalgashiga argagaxisada ayaa la soo gebogebeeyey Khamiistii 17kii Nofember 2019. Shirka, oo lagu qabtey Magaala Dooxa ee dalka Qadar, ayaa socdey saddex maalmood oo isku xiga waxaana guddoominayey Dowladda Qadar oo uu matalayey Mudane Sheekh Fahad Bin Faisal Al Thani, oo ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Qadar, guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-Dhaqidda iyo Maalgashiga Argagaxisada iyo madaxweynaha MENAFATF.

 

Shirka loo dhammaa ayaa waxaa ka soo qaybgaley dhammaan dalalka xubnaha ka ah iyo korjoogayaal. Madaxweynaha MENAFATF ayaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah iyo kuwa korjoogayaasha ah ku soo dhoweeyey dalka Qadar waxaana u amaaney dadaallada gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA) uu kula dagaallamayo lacag-dhaqidda iyo maaliyadsiinta argagaxisada iyo sidoo kale sida ay diyaarka ugu yihiin in ay u hoggaansamaan ayna u hirgeliyaan jaangooyooyinka caalamiga ah ee looga danleeyahay khafiifinta halista iyo hanjabaadaha ka imaanaya Lacag-dhaqidda/Maaliyadsiinta Argagaxisadaba. Soo-dhoweyntii koobneyd ka dib, madaxweynaha waxaa uu madasha ku soo dhoweeyey madaxweynaha Madasha Unugyada Sirdoonka Maaliyadeed (FIUs) oo intaa ka dib faahfaahiyey guulihii ay madashu gaadhey intii uu madaxweynaha ka ahaa. Waxaa uu xusey in arrimahaan gaarka ah ay ahaayeen kuwa mudnaanta ay siineysey madasha: kordhinta qoraallada ay xubnaha Madasha kaga-qaybgalayaan si looga munaaqashoodo; in la sameeyo qaab ay hay’aduhu u wada macaamilayaan; sii-xoojinta barnaamijyada lagu beegsanayo ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo maaliyadsiinta argagaxisada; iyo sida dadaalladaasi loogu rogi karo natiijooyin la taaban karo oo laga arki karo dhulka.

Saddexdii maalmood ee u horreeyey shirka guud ee loo dhammaa, ayaa MENAFATF waxaa ay qabatey kulamo ay yeesheen koox-hawleedyada taageerada farsamo, koox-hawleedyada is-qiimeynta kooxda dhexdeeda, kulamada Unugyada Sirdoonka Maaliyadeed (FIUs Forums) iyo sidoo kale shirarka qaran ee Daraaseynta Halista.

Soomaaliya ayaa korjooge ka ah kooxda MENAFATF waxaana ay madashaa ku matalayey Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed, taas oo, markii ugu horreysey, ka-qaybgashey shirkeedii caalamiga ahaa ee ugu horreeyey taniyo markii la aasaasey bishii Juunyo 2016kii.

Inkasta oo dalalka korjoogtada ahi aan loo oggoleyn in ay ka-qaybgalaan kulanka koox-hawleedyada gacansinta farsamada (TAWF), FRC oo mataleysey Soomaaliya waxaa ay ku guuleysatey in ay dhinaceeda ka fariisato Miiskii TAWG ka dib markii ay codsi rasmi ah u gudbisey madaxweynaha TAWG oo ahaa wakiilkii Unuggga Sirdoonka Maaliyadeed ee Imaaraadka Carabta ee Midoobey (UAE), nasiib-wanaag, codsigeenna wuu naga oggolaadey. Madaxweynaha ayaa intaa ka dib waxaa Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya barey dalalkii xubnaha ka ahaa ee halkaa ku shirayey waxaana uu Unugyada Sirdoorka Maaliyadeed ee ka mid ahaa MENAFATF in Soomaaliya ay tallaaboooyin waaweyn u qaaddey dhinaca ansaxinta Xeerka Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Argagaxisada, waxaana sida uu dhigayo sharciga, loo dhisey Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed. Waxaa uu sidoo kale dalalka xubnaha ka ah ku dhiirrigeliyey in ay Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya ay siiyaan taageero farsamo iyo in ay u gudbiyaan aqoontii ay ururinayeen sanadihii badnaa ee ay ka shaqeynayeen hawsha Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo Maalgashiga Argagaxisada.

Intii uu socdey shirkaas, xarunta FRC ee Soomaaliya waxaa la siiyey fursad ay isku barto dalalka kale ee xubnaha ka ah ee madasha kulanka joogey. Wakiilladii ka socdey xarunta FRC waxaa ay Dowladda Qadar uga mahadceliyeen soo-dhoweyntii iyo martigelintii wanaagsaneyd ee ay u fidiyeen dalka iyo madaxweynaha TAWG oo fursaddaas u suurageliyey. Waxaa uu intaa ka dib bilaabey in uu ka hadlo in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu Xeerka Ka-hortagga Lacag-Dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgashiga Argagaxisada ansaxiyey bishii Febraayo 2016dii oo ka dibna uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Sida uu dhigayo sharcigan, hay’ado gaar ah ayaa la dhisey sida Guddiga Ka-hortagga Lacag-Dhaqidda iyo Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed. Markii la dhiseyba, Xarunta FRC waxaa ay bilowdey in ay ciyaarto doorkii hoggaamineed ee ay lahayd oo ahaa in ay tahay hay’adda aasaasiga ah ee mas’uulka ka ah La-dagaallanka Lacag-Dhaqidda iyo Maalgashiga/Maaliyadsiinta Argagaxisada, waxaa ay xiriir la sameysey hay’adaha kale ee awoodda u leh si ay kor ugu qaaddo heerka iskaashiga iyo macluumaad wadaagista, waxaa ay bilowdey olole wadatashi ay kula yeelaneyso hay’adaha warbixinnada soo gudbiya si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac, waxaa ay qaadatey shaqaale la siiyey tababar aasaasi ah oo ku saabsan baaritaannada iyo lafagurista maaliyadeed waxaana ugu dambeyntii ay diyaarisey ayna ansaxisey qorshe-hawleedkeeda sanadka.

Sidaa daraaddeed, ka-qaybgalayaashu waxaa ka yaabiyey guulaha Unugga Sirdoonka Maaliyadda ee Soomaaliya (FIU) uu ku gaarey muddadaa gaaban waxaana ay Soomaaliya ugu hambalyeeyeen guushaa aadka u weyn.  Markii uu kulanku dhammaadey ka dib, shakhsigii ugu horreeyey ee nala soo xiriirey wuxuu ahaa wakiilkii ka socdey Xarunta Sirdoonka Maaliyadda ee dalka Baxreyn, Sheekh Mynah oo dhinaca kale xubin ka ah kooxda Egmont Group waxaana ay xarunta FRC si weyn ugu amaantey guushan ay gaartey. Waxaa ay sidoo kale naga codsatey in aan qoraal ahaan ula wadaagi karno guulaha aan gaarney ee aan ka sheegney kulanka.

Maalintii saddexaad ee kulanka Koox Hawleedda Taageerada Farsamo, xarunta FRC waxaa u suuro gashey in ay Xoghaynta MENAFAFT ku qanciso – annagoo uga mahadcelineyna xoghaynta dadaalkoodii joogtada ahaa ee ay nagu siinayeen gacan qabasho kasta oo ay awoodeen – in ay ina siiyaan waqti yar inkasta oo ay aad u mashquulsanaayeen si ay xarunta FRC u sameyso soo-jeedin gaaban oo ay ku faahfaahineyso istiraatiijiyadda guud ee ay dejisey si ay u xaqiijiso ujeeddooyinka ay beegsaneyso. Ka dib markii ay dhammaatey soo jeedinta, dhammaan dalalkii ka tirsanaa gobolka MENAFAFT waxaa ay soo dhoweeyeen hawshii wanaagsan ee ay Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya ay qabatey muddadii gaabney ee ay jirtey waxaana dhammaantood ay ballanqaadeen in ay taageeraan xarunta FRC ee Soomaaliya. Dal kasta oo ka soo qaybgaley shirkaa waxaa uu ballanqaadey inay Soomaaliya ay u taageeri doonaan si kasta oo ay u taageeri karaan haddii ay tahay taageero farsamo ama haddii ay tahay taageero kale oo ay u arkaan in ay muhiim u tahay si xarunta FRC ay ugu korto uguna kobocdo sida ugu dhakhso badan ee suuragalka ah iyada oo wax ka qaadaneysa kana faa’iideysaneysa waayo-aragnimada hodonka ah ee ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah MENAFATF.

Xarunta FRC ayaa dhammaan dalalka uga mahadcelisey jawaabtoodii, taageeradoodii iyo ballanqaadyadoodii degdegga ahaa ee ballaarnaana waxaana ay u ballanqaaddey in ay ka faa’iideysan doonto taageerada deeqsinimada ka muuqato ee ay u ballanqaadeen iyo in ay dal kasta ay dib ugu soo noqon doonto si dhaqso badan.

Kulan gaar ah oo barbarsocdey kulanka loo dhammaa, ayaa FRC waxaa ay la fariisatey madaxweynaha wareegtada ah ee soo socda ee MENAFATF, oo ah agaasimaha Unugga Sirdoonka Maaliyadeed ee dalka Kuwait oo uu weheliyey wakiil ka socda Imaaraadka Carabta ee Midoobey, si ay ugala munaaqashooto sida ugu wanaagsan ee ay gacan u siin karaan xarunta FRC waxaana ay mar kale ku celiyeen ballanqaadyadoodii hore waxaana ay Soomaaliya ku dhiirrigeliyeen in ay xubin buuxda ka noqoto MENAFATF si ay u hesho waayo-aragnimada hodonka ah ee dalalka xubnaha ka ah gobolka MENA ay u leeyihiin Ka-hortagga Lacag-Dhaqidda iyo Maalgashiga Argagaxisada.

FRC waxaa ay sidoo kale kulamo, barbar socdey shirka loo dhammaa, ay la yeelatey wakiillo ka socda Mareykanka, Bankiga Adduunka, IMF, Egmont Group iyo sidoo kale Faransiiska. Waxaana dhammaantood ay soo dhoweeyeen dadaallada joogtada ah ee ay FRC ugu jirto in ay noqoto Unug Sirdoon Maaliyadeed oo si buuxda uga shaqeeya oo Madax Bannaan oo ka jira Soomaaliya, waxaana ay naga codsadeen in aan la wadaagno soo-jeedintii aan ka jeedinney shirka.

Xarunta Warbixinada Maaliyadda (FRC)