Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda ee Soomaaliya (NAMLC) oo shir yeeshey 27kii Oktoobar 2018

Xubnaha guddiga NAMLC ayaa 27kii Oktoobar shirka ku yeeshey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Muqdisho. Shirka waxaa guddoominayey Wasiirka Maaliyadda waxaana xoghayn u ahaa Agaasimaha Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC).

NAMLC waxaa ay mas’uuliyad kormeer ku leedahay FRC oo ka mas’uul ah dhaqangelinta maamulka AML/CFT ee Soomaaliya.

Xubnaha guddiga NAMLC waa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Amniga Qaranka, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Xeer-Ilaaliyaha Guud, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Agaasimaha Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC).

Intii uu shirku socdey, Agaasimaha FRC ayaa guddiga u soo bandhigtey warbixinteeda oo taabaneysey horumarka iyo guulaha la xaqiijiyey sanadkii 2018 iyo sidoo kale qorsheyaasha hay’adda ee sanadka soo socda.

Guddiga NAMLC ayaa si rasmi ah u ansaxiyey xeer-nidaamiyeyaasha iyo dhabbe-tuseyaasha warbixinnada ee AML/CFT ee sharikadaha maaliyadda iyo go’aanka FRC ee ah in sharikadaha maaliyadda ay bilaabaan in ay warbixinnadooda u soo gudbiyaan FRC laga bilaabo 1da Nofembar 2018.

Xubnaha guddiga NAMLC waxaa ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay tixgeliyaan waxqabadka kale ee harsan ee FRC ay dib dhigaa ilaa kulanka soo socda oo la filayo in uu dhaco laba toddobaad ka dib.

Xarunta Warbixinada Maaliyadda (FRC)