JAMHUURIYADDA FEDERALKA EE SOOMAALIYA OO KA-QAYBASHEY SHIRKII 29aad EE LOO DHAMMAA EE MENAFATF 20-25 ABRIIL 2019-AMMAN, JORDON
Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa ka-qaybgashey Shirkii 29aad ee Loo Dhammaa ee Guddiga Farsmada ee Tallaabo-qaadka Maaliyadeed (MENAFATF) ee Bariaga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Maalgashiga Argagaxisada ee lagu qabtey magaalada Amman ee dalka Jordan. Shirka waxaa furey madaxweynaha MENAFATF, Dr. Subxi Musbah Zeed, iyo Dr. Alwaleed Bin Khalid Al Sheikh, oo ah Xoghayaha Fulinta ee MENAFATF. Waxaa ka soo qaybgaley khubarro aad u badan oo ku takhasusey la-dagaallanka lacag-dhaqidda iyo maalgashiga argagaxisada oo ka kala socdey dalalka xubnaha ka ah iyo Korjoogto xiriir la leh. Hadafka ugu weyn ee laga lahaa shirka waxaa uu ahaa in la mideeyo dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagula dagaallamayo lacag-dhaqidda iyo dembiyada la xiriira ee ka horreeya iyo maalgashiga argagaxisada si nidaamyada dhaqaalaha iyo amniga looga ilaaliyo hanjabaadaha kaga imaanaya dembiyada noocaas ah.
FRC oo ay la socdeen la-taliyeyaal dhinaca farsamada ah oo ka socdey hay’adda International Development Law Organization (IDLO) ayaa waxaa ay ku faraxsan tahay in ay mataleysey Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo heshey xubinnimada MENAFATF bishii Juunyo 2018. Maaddaama ay tahay cidda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya wakiilka uga ah MENAFATF, FRC iyo Xoghaynta MENFATF ayaa ku heshiiyey in ay dib u dhigaan Daraaseynta Is-qiimeynta ah ee Soomaaliya marka la qabanayo shirka xiga ee la qorsheeyey in uu dhaco bisha Nofembar 2019.


