Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed, War-saxaafadeed.
Shirkii ugu horreeyey ee ay ku baaqeen xarunta FRC iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa Muqdisho lagu qabtey 18-19 Abriil si loo soo jeediyo maamulka u-hoggaansamidda iyo kormeerka FRC iyo si looga munaaqashoodo siyaabo wax looga qaban karo culeysyada waqtigan la joogo ganacsiyada noocan ah ka haysta gelidda nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah (banki ay wax sii mariyaan).


