Raadka uu leeyahay Xeerka Sii Wanaajinta Agabka Ka-hortagga Argagaxisada ee Khasnadda Dowladda Mareykanka (US Treasury’s Anti-Terror Tool Act)

In ka badan 40% dadka Soomaaliyeed waxaa ay noloshoodu ku tiirsan tahay xawilaadda ay u soo diraan qoysaskooda ku nool dalka dibaddiisa – gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub- si ay baahiyaha aasaasiga ah uga haqab-tiraan qoysaskooda oo ah kuwo aan haysan il kale oo uu dakhli ka soo galo oo aan ahayn kan ay ka helaan qaraabadooda ku nool dalalkaas. Maaddaama nidaamka bankiyada uu dalka hadda un hanaqaadayo oo uusanna lahayn aqoontii lagamamaarmaanka u ahayd, ayaa lacagaha la soo marsiiyo sharikadaha Xawaaladaha ay ahaayeen cunsur muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ah 25-45% wadarta wax-soo-saarka dhaqaalaha ee dalka – taas oo xataa ka badan gargaarka bani’aadamnimada, gargaarka horumarinta, iyo maalgelinta tooska ah oo la isu wada geeyey.

Qayb ballaaran oo ka mid ah maaliyaddan waxaa ay ka imaaneysaa Soomaalida Mareykanka ah ee ku nool dalka Mareykanka kuwaas oo lacago u soo xawila qoysaskooda ku nool dalka, laakiin qaababka kala duwan ee la kala dooran karo ee xawilaadahan ayaa noqonaya kuwo adag sababtuna waxaa ay tahay welwelka la qabo ee la xiriira in lacagahan ay si xun uga faa’iideysan karaan ururrada argagaxisada ah ee ka hawlgala gobolka.

Sidaa daraaddeed, xeer lagu magacaabo “Enhancing Treasury’s Anti-terror Tools Act” ama Xeerka Sii-wanaajinta Agabyada Ka-hortagga Argagaxisada ee Khasnadda Dowladda oo uu soo jeediyey Keith Elison oo ka tirsan Kongareeska, ayaa dhowaan la mariyey Aqalka Wakiillada waxaana uu hadda hor yaallaa Sinate-ka isaga oo sugaya in loo codeeyo. Waxaa ay u badan tahay in xeerkan qabyada ah la oggolaado marka lagu xisaabtamo wadarta tirada “codadka haa” ku codeynaya ee oggol xeerka qabyada ah. Muhiimadda Xeerkan qabyada ah waa in uu farayo Xogahaya Khasnadda Dowladda (Wasiirka Maaliyadda) in uu daraasad ku sameeyo sameynta barnaamij tijaabo ah oo loogu talogaley Soomaalida Mareykanka ah. Barnaamijka tijaabada ah ee noocaas ah ayaa Soomaalida Mareykanka ah siin kara fursad ay xawilaado bani’aadnimo ku dhisan ay ugu diraan qoysaskooda ku nool Soomaaliya.

Daraasadda ayaa sidoo kale ku talineysa in laga fekero cunsurradan saddexda ah ee soo socda:

  1. Sida ay u shaqeyn karto in la sameeyo barnaamij tijaabo ah oo nidaamiyeyaasha ay taageero farsamo ku siin karaan hay’adaha maaliyadda ee lacagaha la dhigto iyo iskaashatooyinka loo yaqaanno credit union ee doonaya in ay xisaabo u furaan Xawaaladaha ka shaqeeya Soomaaliya. Tani waxaa ay hay’adaha dowladda ee nidaamiya hay’adahaas u oggolaanayaa in ay kormeeraan dhaqdhaqaaqyada ayna hubiyaan in lacagahaasi aaney ka faa’iideysan ururrada argagaxisada.
  2. Waxaa ay go’aamin doontaa in barnaamijka noocaas ah ee tijaabada ah uu noqon karo mid Soomaalida Mareykanka ah si amaan ah oo sharcina ah ay lacag ugu diri karaan qoysaskooda. Waxaa uu sidoo kale nidaamiyeyaasha u saamaxayaa in ay sameeyaan qaab ka wanaagsan kan hadda loo loo dabageli karo lacagaha la kala wareejiyo si loo hubio in aaney gelin gacan khalad ah.
  3. Qiimeynta lagu sameynayo raadka suuragalka ah ee in Xawilaadaha loo oggolaado in ay baaritaannada xaaladahooda banki, ama hab kale oo si la mid ah u shaqeeya, ula wadaagaan hay’adaha lacagaha la dhigto iyo iskaashatooyinka loo yaqaanno credit unions si ay kalsooni ugu qabaan ayna aqoon ugu yeeshaan in Xawaaladaha ay raacayaan shuruucdooda ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maaliyadsiinta/maalgashiga argagaxisada si loola dagaallamo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee sharci-darrada ah.

Daraasaddan waxaa ay diiradda saari doontaa lagamamaarmaanimada in xawilaadaha la xiriira arrimaha bani’aadamnimada ee ay Dadka Mareykanka ah ay siiyaan qaraabadooda jooga Soomaaliya iyo sidoo kale in la helo qaab lagu hubinayo lacagtaan la xawiley aaney ku dambeyn doonin gacmaha ururro argagaxiso ah. Haddii xeerkan qabyada ah la ansaxiyo oo uuna sharci ka dhigo Sinate-ka, waxaa uu meesha ka saari doonaa caqabado badan oo haysta Xawaaladaha ka jira Mareykanka ee ay sida adag u saameeyeen Shuruucdii Hore ee Ka-hortagga Lacag-Dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgashiga/maaliyadsiinta argagaxisada.

Financial Reporting Center